Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebuugga uga hadlay hadal ka soo yeeray ra’isulwasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre kaasi oo ku addanna in doorashada Soomaaliya ay xukuumadda ka shaqeynayso inay waqtigeeda ku dhacdo ayaa arrinkaas si weyn u soo dhoweeyay isaga oo xukuumadda Kheyre ku booriyay howshaas.
Guuleed ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in doorashada dalka ay waqtigeeda ku qabsoomto islamarkaana laga talagaliyo dhamaan saamileyda siyaasadda taas oo uu tilmaamay inay horseedi karto xasiloono siyaasadeed.
“Waxaan soo dhaweynayaa hadalka ka soo yeeray Raisu Wasaare Xasan Cali Khayre ee tibaaxaya lagama maar-maannimada in dalka ay ka qabsoonto doorasho xiligeedii ku dhacda, lagana talo galiyo dhamaan saamileyda siyaasadeed, dalkana u horseedda daganaan iyo xasilooni siyaasadeed” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.




From the comments