Madasha xisbiyada qaran oo ay ku mideysanyihiin qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa waxa ay dalbadeen in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah iyada oo wqtiga ka harsan doorashooyinka qaranka ay ka yaryihiin 8 bilood.
Guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran horeyna dalka uga soo noqday madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo guddoomiyay shir ay dhinaca internedka ah ku yeesheen masuuliyiinta madasha, ayaa soo hadal qaaday ahmiyadda ay dalka u leedahay inay ka qabsoomto doorasho xor iyo xalaala ah.
“Madasha Xisbiyada Qaran oo shir xasaasi ah ka yeelatay xaaladda dalka ayaa isku raacday in lama huraan ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda aan kadib dhicin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay barta facebuugga ee madasha xisbiyada qaran.




From the comments