Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay wararka sheegaya in maamulka Cabdicasiis Laftagareen ay horistaageen shir la filayay inuu dhexmaro madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah waxaana maamulku uu iska fogeeyay arrinkaasi.
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Koonfur galbeed ayaa lagu beeniyay warkaasi waxaana warsaxaafadeedkaas lagu sheegay in dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka ay guddi u xil saareen qabsoomidda shir ay yeeshaan labada dhinac.
Sidoo kale Koonfur galbeed waxa ay sheegtay in wali guddigaas ay wadaan doodo ku aaddan xilliga uu shirkaas furmayo, halka uu ka dhici doono iyo ajandeyaasha looga hadlayo intaba.





From the comments