Guddoonka Aqalka Sare oo Magacaabay Guddi isku Keena Madaxda DF iyo Kuwa Maamul Goboleedyada
Sheeko:Dalka
Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa magacaabay guddi isku keenaya madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah oo xiriirkooda uusan wanaagsanayn.
Guddigan ayaa ka kooban 9 Senetor oo uu ku jiro guddoomiyaha aqalka sare waxa ayna ka shaqeyn doonaan sidii loo qaban lahaa shir wadatashi ah oo dhexmara madaxda qaranka.
Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa magacaabista guddigan u cuskaday qaar ka mid ah qodobada dastuuriga ah ee dalka u yaal.
Halkan ka akhriso magacaabista guddiga
Goobjoog News