Senator Mustafe Qodax oo ka tirsan golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, kana hadlay wada hadallada madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay in Farmaajo aanu laheyn taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka Somaliyeed ah.
Senator Qodax waxaa uu yiri “Markaad dib uyara raacdo afcaasha xukuumada Farmaajo, malaha taariikh wanaagsan oo ah dhinaca walaalaynta iyo isu soo dhaweynta dadka Somaliyeed, waa xukuumada aalaaba ka shaqaysa fadqalalo iyo cunfi xaasidnimo ka muuqato oo ay ugu danbaysay waraysigii wasiirka arimaha dibada ee dawlada federaalku ku weeraray PD world oo mashaariic horumarineed kawada Somaliland waraysigaa wasiirka oon marnaba u adeegayn isu soo dhawaanshaha ummada.
Dhanka kale, waxaa uu soo hadal qaaday waxa la gudboon Somaliland “Looma baahna inay Somaliland dhabar jabiso mucaaradka Soomaaliya iyo umadda Soomaaliyeed ee isbadal doonka ah ee La daalaa dhacaysa beenta iyo borobagaandada xukuumada N&N ee aan social media ha dhaafsanayn, waxan u arkaa ilduuf siyaasadeed inay Somaliland ka ogolaato Farmaajo wadahadal xilli ay xukuumada Somaliya u hadhay muddo lix bilood oo kaliya.




From the comments