Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareynkanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in talaabo hore loo qaaday ay ahayd , aqoonsigii Dowladda Federaalka ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Waxa lagu sheegay qoraalka in tani ay dhabaha u xaari karto dib u heshiisiin iyo in la gaaro yoolkii ahaa in ay madal isugu yimaadaan madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.
‘’Waxa bogaadinaynaa aqoonsiga Dowladda ee Madaxwayne Axmed Madoobe iyo shirka iyo shirka madaxda maamul goboleedyada ‘’ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo soo baxay safaarada Mareyanka ee Soomaaliya.




From the comments