Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa saacaadihii la soo dhaafay waxaa ay taageereen dadaallada aqalka sare ee xal u raadinta iyo isu soo dhoweynta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, waxaa kale oo isku aragti ka noqdeen habraacyada aqalka sare been abuurka ku sheegay uu lagu ansixiyey golaha shacabka.
Aqalka sare, oo ah midka baarlamaanka federaalka ah ku matala danaha maamul goboleedyada ayey sidoo kale ku taageereen go’aanka uu ka qaatay habraacyada horyaalla golaha shacabka ee lagu sheegay inuu ka duwan yahay midkii labada aqal isku afgarteen.
Puntland ayaa qoraal ay xalay soosaartay ku sheegtay “Dowladda Puntland waxaa ay bogaadineysaa dadaallada uu hormuudka ka yahay guddoonka aqalka sare ee BF, kaas oo ka shaqeeyey in madaxda dowladda federaalka ah iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah DF ay isugu yimaadaan shir wadatashi ah oo lagu lafagurayo arrimaha doorashooyinka 2020/2021. Puntland waxaa ay sidoo kale soo dhoweysay warsaxaafadeedkii ee aqalka sare ee BF ee 9-kii bishan June, 2020 iyo guddiyada loo saaray qabashada shirkaas.




From the comments