Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa Muqdusho ayaa soo dhoweeyey ansixinta kuraasta aqalka sare ee matalaadda Muqdisho, waxaa uuse ku dheeraaday falcelintiisa la xiriira hadaljeedinta guddoomiyaha guddiga doorashada Xaliimo Yarey ay ka sameysay golaha shacabka isaga oo codsigeeda waqti kordhinta ku sheegay in ay u hadashay madaxweyne Farmaajo iyo fulinta, una dalabtay muddo kordhin.
Madaxweyne Xasan oo hadalka Xaliimo ka hadlayey ayaa yiri “Muddo 3 sano ka badan badan , guddiga waxaa uu noo sheegay in doorasho ka diyaar tahay, laakin hadaljeedintoodu waxaa ka soo baxday in umadda Soomaaliyeed u hoosaasiyeen, oo waqti xeero iyo fandhaal kala dhaceen ay umadda u soo bandhigeen iney hordheersi u sameynayaan hoggaan muddo 4 sano ah wax ka qaban waayey doorashada dalka isla markaana xoog iyo xoolo fara badan ku bixiyey burburinta nidaamka federaalka ah ee dalka, s
Dhanka kale, waxaa uu sheegay in muddo kordhinta ay sheegtay ay daba socdaan qaar kale “Sidoo kale, hadaljeedinta guddiga waxaa laga dheehan karaa muddo kordhin rimman, muddo kordhimo kale”.




From the comments