Maanta oo ah maalinta labaad ee ciidul Adxaa waxaa si weyn looga ciidayaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka,waxaana magaalooyinka dalka ka socdo munaasabado waa weyn oo loogu dabaal degayo ciidda.
Magaalooyinka,Jowhar,Kismaayo,Baydhabo,Garowe,Dhuusamareeb iyo Garbahaarey oo aan la xiriirnay ayaa saaka si weyn looga dareemayaa dabaal degga maalinta labaad ee ciidul Adxa.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa waxaa la soo buux dhaafiyay goobaha leyskugu yimaado sidda xeebta Liido,Xeebta Jasiira,Daljirka Dahsoon,Beerta Nabadda iyo beerta Daaru-salaam waxaana dadku ay isugu marxabeynayaan maalinta labaad ee ciidda.




From the comments