Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay sheegay in si rasmi ah u furan yahay wajiga koowaad ee Shirka Dhuusamareeb 3,kaas oo ballanku ahaa in looga heshiiyo nuuca doorasho ee dalku aadayo 2020-2021-ka xili aysan weli magaalada soo gaarin madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland
Madaxweynaha gogosha dhigay Dhuusamareeb oo furay shirka ayaa yiri” Sida aad la socotaan Dhuusamareeb2 waxaa lagu heshiiyey in bisha August 15-keeda la isugu yimaado magaalada, Dhuusamareeb Dhuusamareeb3, si looga heshiiyo hannaan doorasho uu dalku galo, madaxdii Soomaaliyeed ee kasoo qeyb gashay Dhuusamareeb2″
Madaxweynha Qoorqoor oo sii hadlayo ayaa yiri” Ballantu waxaa ay aheyd in 15 bisha la isugu yimaado magaalada Dhuusamareeb, waxaa kasoo qeyb galay oo 15-kii ilaa iyo hadda nasoo gaaray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Filish, waxaan weli nasoo gaarin oo shirka kasoo qeyb galin madaxweynha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni iyo madaxweynha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo runtii aan cudurdaar leh oo xanuunsan inta aan ognahay, allah caafiyo ayaan leenahay, dhammaan madaxda waan u mahad celinaynaa oo waqtigii ku timid, madaxweyha dowladda federaalka ayaa yimid waana u mahadcelinaynaa waqtiga uu ku yimid ”




From the comments