Goobjoog

Madaxweyne Qoorqoor oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Mashruuca Biyoole

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga daah-furay mashruuca “Biyoole” oo ah mashruuc ka shaqayn doona horumarinta dhinacyada: Biyaha, Beeraha,Deegaanka iyo Daaqa,…

Madaxweyne Qoorqoor oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Mashruuca Biyoole

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga daah-furay mashruuca “Biyoole” oo ah mashruuc ka shaqayn doona horumarinta dhinacyada: Biyaha, Beeraha,Deegaanka iyo Daaqa, waxaana mashruucaan Galmudug ka caawinaya Banka adduunka.

Mashruucan waxaa si wadajir ah u fullin doonaana wasaaradaha kala ah; Wasaaradda Qorsheynta oo mashruuca hoggaan ka ah, wasaaradda Biyaha, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha iyo Wasaarada Deegaanka.

Mashruuca Biyoole qeybtiisa Galmudug waa 5 Malyan oo doollar waxaana ka faa,iideysan doona 25 kun oo ka faa,iideyste, oo 14 kun oo ka mid ah ay haween yihiin.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments