Guddiga doorashada ee gobolka waqooyiga Itoobiya ee Tigrayga ayaa maanta u dhaqaaqaya doorasho deegaanka ka dhacdo.
“Codbixinta waxaa ay u dhaceysaa sidii loogu talogalay, mana fileyno in dowladda dhexe ay nooga timaado wax faragelin ah” sidaasi waxaa yiri Muluwork Kidanemariam, oo ah madaxa guddiga doorashada ee gobolka.
Gobolka ay doorashada ka dhaceysa, lana filayo iney codeeyaan ilaa 2.7 Milyan codbixiyeyaal ah ayaa la adkeeyey amniga.




From the comments