Goobjoog

Maxay Kawada Hadleen Madaxweyne Geelle iyo Xasan Cali Kheyre?

Madaxweynaha wadanka Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisalwasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweynaha Soomaaliya Labada mas’uul ayaa…

Maxay Kawada Hadleen Madaxweyne Geelle iyo Xasan Cali Kheyre?

Madaxweynaha wadanka Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisalwasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweynaha Soomaaliya

Labada mas’uul ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda guud ee siyaasadeed ee dalka  iyo arrimaha doorashooyinka oo dhowaan la filaayo in dalka ka qabsoonto 2020-2021 sida lagu ballamay shirkii Muqdisho.

Safarka Kheyre uu ku tagay Jabuuti waa kii ugu hooreeyey uu dalka uga baxo tan iyo  markii xilka laga qaaday 25-kii July 2020, kadib markii codka kalsoonida ay kala laabteen xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments