Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa daahfuray doorashada xubnaha golaha deegaanka Degmada Gaalkacyo taas oo si rasmi ah uga bilaabatay magaalada.
Munaaasabada daahfurka doorashada oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan Galmudug, saraakiil ka socatay hay’addaha F.C.A C.R.D iyo EISA oo gacan ka geysanaya dhismaha golaha deegaanka Gaalkacyo ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha Gudaha Galmudug Axmed Xasan Cali (Axmed Dheere) waxaana uu sharaxaad kooban ka bixiyay dadaalka loogu jiro dhismaha hogaanka maamulka dagmada galkacyo isagoona sheegay in maalmaha soo socda lagu soo gaba gabeyn doono
Munasaabada furitaanka doorashada xubnaha golaha deegaanka Gaalkacyo ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug oo sheegay in bulshada ay heystaan hanaan ay wax ku dooran karaan.




From the comments