Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cismaan Karaash oo kulan la qaatay ganacsada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa amarro duldhigay, taas oo la xiriirta qaadista shilinka Soomaaliga.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in ganacsatada laga doonaayo in ay qaataan shilinka Soomaaliga oo muddooyinkii dambe uu ka taagnaa muran u dhaxeeyo ganacsada iyo maamul goboleedka Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa xusay in haddii ganacsatadu ay kasoo baxaan ballankaas, dhankooda ay fulin doonaan ballanqaadyadii hore labada dhinac ay ugu heshiiyeen sida uu hadalka u dhigay Axmed Karaash.








From the comments