Ayax ayaa saaka Waabarigii ku degay beero ku yaalla degmada Xuddur ee gobolka Bokol, kaas oo soo gaaray shalay gelinkii dambe, waxaana uu dhibaato ka sameeyey beerihii uu ku degay isaga oo baabi’iyey dalagyadii la beeray.
Isuduwaha Wasaaradda Beeraha dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee gobolka Bakool Maxamed Axmed Macalin ayaa ayaa tilmaamay in Ayaxa uu saameen ba’an ku yeeshay dalagii ka soo go’i laha beeraha oo dhowaan la tabcay.
Maamulka gobolka Bakool oo kormeerey beeraha maanta uu ku degey Ayaxa oo warbaahinta lahadlay ayaa fariin u direy madaxda dowladda dhexe, kuwa Koonfur Galbeed iyo Hey’adaha caalamiga ah, si wax looga qabto Ayaxa.













From the comments