Waxaa goordhaw soo gabagaboobay kulan ciyaareed xiisa badan oo u dhaxeeyay xulalka kubadda cagta maamullada Jubbaland iyo Puntland, kaas oo ka tirsana Tartanka maamul gobaleedyada dalka.
Kulankan oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ENG Yariisoow, ee magalada Muqdisho, ayaa waxana ka soo qeeyb galay taagerayaal fara badan, kuwaas oo kala sacbinayey labada maamul.
Ciyaartan ayaana waxa ay labada maamul xulalkooda ay isla dhaafi waayeen Bar baro , eber iyo eber ah.
Labada xul ayaana waxa ay ka wada tirsan guruubka B, xulka maamulka Puntland oo kulankan uu u ahaa kulankoodi ugu horeeyay ee tartanka ayaa soo bandhigay Ciyaar aad u adag .




From the comments