Markabka USS Makin ee qaadi lahaa ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya ayaa la sheegay inuu soo gaaray Soomaaliya.
Markabkan oo ay doommo kale saaran yihiin ayaa waxaa uu yimid 16 maalin uu kadib markii amar ku bixiyey madaxweynaha Donald Trump in ciidamadiisa laga soo saaro dalka Soomaaliya.
Ciidamada militariga Mareykanka ayaa waxaa ay maraakiibta badda keeneen xeebta Soomaaliya si daad guriyeeyo ilaa 700 oo askari oo ka tirsan ciidamada dhulka, kuwaas oo sanado badan joogay gudaha Soomaaliya.




From the comments