Waxaa goordhow garoonka ciyaaraha ee koonis Stadium ee gobolka Banaadir kusoo gabagaboobay ciyaar u dhaxeysay kooxaha Hirshabeelle iyo Galmudug, taas oo qeyb ka aheyd tartanka Maamul gobobeedyada, labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar ay aad ujeceleysteen madaxdii iyo taageerayaashii ku sugnaa garoonka.
Ciyaarta ayaa qeybtii koowaad waxaa ay kusoo dhammaatay 1-0 oo kooxda Hirshabeelle ay ku horkaceysay, markii la isku soo laabtay ayaa Galmudug waxaa ay la timid Goolka barbaraha ah, ciyaarta ayaana noqotay 1-1,taas oo Galmudug u arkaysay in ay u tahay faaiido maadaama ay ku soo gudubi laheyd haddii ay sidaas ku soo idlaato.
Wixii intaas ka dambeeyey labada dhinac ayaa bilaabay wareerar iyo weerar celin, maadama Hirshabeelle ay u haabneyd guul si ay ugu gudbto wareega afar dhammaadka tartanka, laakiin waxaa rajadaas ceel salkiisa ku riday Xasan Maxamed Xasan oo Galmudug u dhaliyey Goolkii guusha dhammaadkii ciyaarta taas oo ka dhigtay 2-1.




From the comments