Goobjoog

Maxeey Ka wada Hadleen Axmed Madoobe & Mahdi Guuleed

Madaxweeynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Garowe ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar , Axmed madoobe oo hoyga uu ka…

Maxeey Ka wada Hadleen Axmed Madoobe & Mahdi Guuleed

Madaxweeynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa xalay kulan kula qaatay magaalada Garowe ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ,

 

Axmed madoobe oo hoyga uu ka dagan yahay Garowe  Mahdi Guleed , ku booqday ayaa la qaatay kulan saacado badan socday kulanka ayaana waxaa looga hadlay sidii arima ay ka mid yihiin xalinta qilaafaadka xukuumadda iyo jubbaland ee arimaha soo doorashooyinka .

 

Mahdi maxamed Guleed  ayaa yiri kulanka kadib ““Waxaa caawa hoyga aan ka daganahay caasimadda Puntland ee Garoowe igu soo booqday M/weyne Axmed Maxamed Islaan (Axmed-madoobe)”.

kalan ka ayaa sidoo kale waxaa qeeyb ka ahaa mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin wasiirka warfaafinta  ee xukuumadda .

Dhana kale mas’uuliyiinta kusugan magaalada Garowe ayaa la filaya in ay inta ay halkaas joogaan ay yeeshaan kulama duceedyo gaar gaar ah.

 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments