Goobjoog

Dowladda Turkiga oo ka Hadashay Qarax Lagu Dilay Muwaadiniinteeda

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Turkiga ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhaawacmeen 4 shaqaale oo Turki ah. Hal muwaadin oo u dhashay Turkiga ayaa kamid ah dadka ku dhintay qaraxa…

Dowladda Turkiga oo ka Hadashay Qarax Lagu Dilay Muwaadiniinteeda
Dışişleri Bakanı Mevlüt Çavuşoğlu ve Avrupa Birliği (AB) Bakanı Ömer Çelik, AB Dış İlişkiler ve Güvenlik Politikası Yüksek Temsilcisi/AB Komisyonu Başkan Yardımcısı Federica Mogherini ve Komşuluk Politikası ve Genişleme Müzakerelerinden Sorumlu AB Komiseri Johannes Hahn ile “Türkiye-AB Üst Düzey Siyasi Diyalog Toplantısı”nın ardından ortak basın toplantısı düzenledi. ( Fatih Aktaş – Anadolu Ajansı )

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Turkiga ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhaawacmeen 4 shaqaale oo Turki ah.

Hal muwaadin oo u dhashay Turkiga  ayaa kamid ah dadka ku dhintay qaraxa oo maanta ka dhacay duleedka caasimadda , halka 4 qof kale ay ku dhinteen .

 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa qoraal ay soo saartey ku xaqiijisay in qaraxa uu ka dhashay Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray oo lala eegtay shaqaale Turki ah oo ka shaqeynayay dhismaja jidka Muqdisho iyo Afgooye.

“Waxaan si kulul u cambaareynaynaa weerarka argagaxiso ee lala eegtay shaqaalaha Turkiga ee ka shaqeynayay dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye, oo ka qeybqaadanayay horumarka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda.

wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan Afar qof oo turki ah ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxa maanta dhacay.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay sii wadi doonto is-garab-taagga iyo taageerida walaalaha Soomaaliya, islamarkaana aan waxba u dhameynin qaraxan mashaariicda ay dalka kawadaan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments