Qaar ka mid ah guddiga doorashooyinka dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed ee FEIT ayaa ka soo horjeestay go’aanka guddiga FEIT ay dib ugu celiyeen doorashada laba kursi oo dhawaan lagu doortay Baydhabo.
Wakiilka doorashada koonfur galbeed ee guddiga FEIT Yuusuf Maxamed Khayr ayaa sheegay in aysan sax aheyn ku noqoshada doorashada kuraasta HOP#154 iyo HOP#103 taas oo uu ku tilmaamay in lagu qancinayo shaqsiyaad gaar ah.
Go’aankaan waxa aan u aragnaa mid lagu qancinayo shaqsi, cilladda lagu diiday kursiga HOP#154 ee ah in Gabar da’ ahaan yar ay ka qaybgashay dadka muuqaal ahaan way yaraan karaan balse waxa ay ahayd in si hoose loo fiiriyo”. ayuu yiri Yuusuf.




From the comments