Goobjoog

Soomaaliya iyo Ruushka oo ka Wada-hadlay Xoojinta iskaashiga Amniga iyo Tababarka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa kulan la yeeshay Xoghayaha Dowladda ahna Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Federaalka Ruushka, Igor Zubov, kaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga amni ee labada dal.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray tababarka iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, horumarinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha booliska, iyo is-weydaarsiga khibradaha la xiriira sugidda amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa dhiggiisa Ruushka kala hadlay sidii loo ballaarin lahaa taageerada Ruushka ee tababarrada booliska, gaar ahaan la-dagaallanka argagixisada, ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo wax ka qabashada sababaha keena xagjirnimada.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya, loona xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada baarista dambiyada, amniga internetka iyo la-dagaallanka khataraha cusub ee amniga.

Dhankiisa, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Ruushka, Igor Zubov, ayaa muujiyay diyaar u ahaanshaha dowladdiisa inay Soomaaliya la wadaagto aqoonteeda, khibradaheeda iyo tababarrada la xiriira la-dagaallanka dambiyada iyo xoojinta amniga.

Iskaashiga amni ee caalamiga ah ayaa muhiim u ah dhismaha awoodda Ciidanka Soomaaliyeed, iyo guud ahaan xoojinta awoodda hay’adaha amniga ee ka hortagga argagixisada, xagjirnimada iyo khataraha kale ee amniga dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments