Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta dowladda Imaaraadka Carabta kala wareegtay deeq raashin gargaar ah, taas oo loogu talo galay in la gaarsiiyo dadka ay saamaysay abaarta baahsan ee ku dhufatay dalka.
Deeqdaan ayaa waxaa siday markab soo gaaray dekadda Muqdisho, waxaana lagu sheegay 1000 tan oo raashin kale duwan ah, waxaana ay jireen ilaa 40 Kunteenar sida wararku ay sheegayaan.
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan dowladda ayaa la wareegay deeq raashin oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta.




From the comments