Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan oo ay fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan Tuulada Kili-Jiido oo hoostagta degaanka Jannaale, waxaa ay shegeen in ay ku dileen xubin ka tirsan Al-shabaab, iyaga sidoo kale sheegay in ay dhaawaceen 10 kale sida ay hadalka u dhigeen.
Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay waxaa ay dhanka kale xuseen in ay gacanta lagu dhigay Saanad ciidan, waxaana ay intaas ku dareen in la burrburiyay dhamaanba goobihii ay sugnaayeen dagaalmayaasha Al-shabaab, kadib dagaal muddo socday oo u dhaxeeyay labada dhinac ciidanka xoogga iyo Al-shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in guud ahaan dalka oo dhan uu ka socdo howlgalo lagula dagaalamayo m Al-Shabaab, Isla marlaana ay sii socon doonaan ilaa iyo inta laga saarayo meelaha ay kaga suganyahiin dalka sida uu hadalka u dhigay Odawaa Yuusuf.




From the comments