Wararka naga soo gaaraayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, ayaa waxaa ay sheegayaan in laba maleeshiyaad oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusameed ay ku dagaalameen deegaan ka tirsan gobolkaas, kadib markii ay ku murmeen dhul daaqsimeed iyo Barkado Biyo, xilligaan ay jirto abaar baahsan oo dadka iyo duunyad saameysay.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaan lagu macaabo Baalle oo aan ka fogeyn deegaanka Dhagaxdheer, dagaalkaan oo bilowday shalay galinkii dambe ayaa waxaa uu geystay khasaare kale duwan, kaas oo kala gaaray maleeshiyaadka dirirtu ay u dhaxeyso, waxaana wararku sheegayaan in dhaawaca labadhinac loo kala qaaday Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Deegaanka lagu dagaalamay ayaa xaaladdiisu degan tahay waxaa jira cabsi laga qabo in mar kale uu dagaal ka qarxo, maadaama labada dhinac ay ku jiraan hub aruursi, dagaalkii shalay ayaa ka bilowday Barkad biyo laga cabo, sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, waxaana saakay la maqlayaa rasaas goosgoos ah oo ay mararka qaar isku yidayaan.




From the comments