Hay’adda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ayaa diyaarado siday shixnado gargaar ah waxaa ay gaarsiisay gobolka Hiraan, xilligaan oo ay ka jiraan abaaro baahsan iyo dagaal u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidanka xoogga oo howlgallo wada deegaanno dhaca waqooyiga gobolkaas.
Diyaaradaahaan ayaa gaarayay afar diyaaradood ayaa ka duulay Muqdisho iyagoo kusii jeeda magaalooyinka Baladweyne iyo Buule Burde oo ay ka jirto xaalad nololeed oo aad u adag, kadib markii dhinac waliba ay ka go’doomiyeen Al-shabaab iyo abaarta ugu darsantay.
Waxaa hawshaan gargaarka fuliyay guddomiyaha Hey’adda maareeynta masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdullaahi, iyadoo ay gacan ka siinayeen masuuliyiin Xafiiska Ra’iisulwasaraha, iyo mas’uuliyiin ka tirsan hey’adda maareynta, kuwaas oo loo idmaday gurmadka abaaraha.









From the comments