Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa amartay in dib loogu noqdo tirinta codadka 15 xarumood, xilli weli ay socoto dhageysiga dacwadda ka dhanka ah natiijada doorashada Kenya ee uu soo gudbiyay Raila Odinga .
Waxaa la amray in 48 saacadood gudahooda lagu qabto tirinta codadka 15 xarun kuwaas oo maxkamadda guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ay amartay.
Maamulada Kericho, Nandi, Nyandarua & Mombasa ayaa la faray in dib loogu celiyo tirinta codadkooda, xilli Kericho, Nandi iyo Nyandarua ay u codeeyeen natiijadii soo baxday Ruto, halka Mombasa looga codeeyay keliya Raila Odinga .




From the comments