Wasiirka ku-xigeenka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala Xildhimaab Cabdi Saabir Nuur Shuuriye iyo guddoomiye ku-xigenka amniga iyo siyaasada gobolka Mudug Cabdi Xuseen iyo ciidamo ka tirsan dowlada federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa gaaraya Degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.
Wafdiga wasiirka iyo xildhibaanka ayaa degmada Baxdo kula kulmay Suldaanka Mowliid Shiikh Jaamac Suldaan Axmed Nuur, saraakiisha heer federaal ee hogaamiyaana kacdoonka ladoonayo in lagu xoreeyo degaannada Galmudug ay ka jogaan Alshabaab, taliska ciidanka NISA qeybta Galmudug iyo maamulka degmada Baxdo.
Gaashaanle sare Warsame Diirshe Xuseen Warsame Gaab Oo hoggaaminaya howlgalka xoreynta degaanka Galmudug ee kujira gacabta Alshabaab iyo Gashaanle sare Xasan Jaamici ayaa uga warbixiyay wasiirka iyo xildhibaanka waxyaabihii u qabsoomay intii ay jogeen degaannada u dhaxeeya degmooyinka Cadaado.




From the comments