Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wasaaradda ay waddo qorshaha safaarad iyo qunsuliyad guud looga furayo magaalada Dakhla ee dalka Marooko .
Wasiir Abshir Cumar Huruuse oo magaalada New York uga qeyb galaya shirka 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in go’aanka furitaanka safaaradda uu yahay mid ku qotoma saaxiibtinimo soo jireen ah oo ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Morocco.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Morocco, ayaa lagu xaqiijiyay qoraalka lagu daabacay barta Twitter-ka, iyadoo lagu sheegay inuu jiro qorshe lagu furayo Safaaradda, ka dib kulan uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Morocco, Nasser Bourita ay wada yeesheen.




From the comments