Goobjoog

Wasiir Mayoow oo iscasilay

Wasiirkii Warfaafinta dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed Ilyaas Cali Nuur, ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay maamulkaas. Wasiir ilyaas oo ku magac dheer Walaal Mayoow ayaa…

Wasiir Mayoow oo iscasilay

Wasiirkii Warfaafinta dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed Ilyaas Cali Nuur, ayaa shaaciyay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay maamulkaas.

Wasiir ilyaas oo ku magac dheer Walaal Mayoow ayaa sheegay in uu u dulqaadan waayay dulmiga lagu hayo dadkiisii, kadib shaqaaqooyin ka dhacay magaalada Baydhabo 23-kii bishaan.

“Waxa aan iska casiley xilkii Wasiirka Warfaafinta KGS, kaddib markii ay ii cuntami weysey waxa lagu sameeyey dadkeyga, oo aan xitaa nalaga talo gelinin weerarkii lagu qaadey oo anaga ka warheyn,” auu yiri wasiir Ilyas.
Iscasilaadda wasiirka ayaa imaanaysa xilli deegaannada maamulka Koonfur-galbeed ay ka taagan tahay xiisad kacsan oo dhanka siyaasadda ah.
Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments