Goobjoog

Madaxweyne Xasan oo Muqdisho ku soo Dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka qaybgeli doona Shirka Dalalka Jiidda Hore ee uu Madaxweyne Xasan ku martiqaaday hoggaamiyeyaasha gobolka.

Madaxweyne Xasan oo Muqdisho ku soo Dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Md. Abiy Axmed oo dalka u yimid ka qeybgalka Shirka Soomaaliya iyo dalalka Safka Hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaanay muhiimiyadda ay leedahay in dalalka gobolku ay u midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Khawaarijta Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments