Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Goboleedka Hirshabelle Mudane Yusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa Booqday Xarunta Dhexe ee SoDMA,waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Gudoomiye ku xigeenka hay’adda SoDMA Dr Axmed Cabdi Aadan.
Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta ayaa kawada hadlay Xaalada Magaalada Baladweyne iyo fatahaada ku dhuftay Magaalada Baladwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Madaxda hay’adda SoDMA ayaa ballan qaaday in taageero deg deg ah lala gaari doonaan dadka ka barakacay Fatahaadaha ku dhuftay Baladwayne, Sidoo kale Madaxda ayaa intaas raaciyay in diriyaan guddi horu dhac oo sii qiimeeya xaaladda meesha ka taagan.




From the comments