Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Dhexe aya sheegay in wabiga Shabeelle uu ku Fatahay in ka badan 72 tuullo oo bari kaga began Degmada Jowhar.
Fatahaadda wabiga ayaa saameyn ku yeeshay deegaanka Balcaano ay hoostagaan72 tuullo ,waxaana halkaasi ku baaba’ay dhulbeereed aad u ballaaran oo ay adeegsan jireen dadka danyarta ah ee ku sugan tuulooyimkaasi.
Qoysas badan ayaa ku barakacay fatahaadaasi oo ay kormeer ku sameeyeen Wasiir ku cigeenka wasaaradda gargaarka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cumar Maxamed Cumar, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe ahna Duqa Magaalada Jowhar Meyre Axmed Makaraan iyo Guddomiyaha Degmada Jowhar Cismaan Maxmed Muqtaar.




From the comments