U bood dhigaalka

Madaxweynaha Xasan Shiikh oo Ka QeybgalayIskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika oo ay marti-gelisay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni.

Shirkan oo ay ku kulmeen dalalka Soomaaliya, Talyaaniga, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagaga arrinsanayey Amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso sidii ay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah ugu heli lahayd wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaa.

Goobjoog News