Goobjoog

Suudaan oo Itoobiya ka Gudbisay Dacwad ku Saabsan Weerarro Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn loo Adeegsaday

Dowladda Suudaan ayaa tallaabo diblomaasiyadeed ka qaaday Itoobiya, kaddib markii ay si rasmi ah cabasho uga gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, iyadoo ku eedeysay in dhulka Itoobiya laga fulinayo weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu bartilmaameedsanayo gudaha Suudaan

Suudaan oo Itoobiya ka Gudbisay Dacwad ku Saabsan Weerarro Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn loo Adeegsaday

Dowladda Suudaan ayaa tallaabo diblomaasiyadeed ka qaaday Itoobiya, kaddib markii ay si rasmi ah cabasho uga gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, iyadoo ku eedeysay in dhulka Itoobiya laga fulinayo weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu bartilmaameedsanayo gudaha Suudaan.

Khartuum ayaa sheegtay in xoogagga gurmadka degdegga ah ee RSF ay diyaaradahaasi ka adeegsanayaan gudaha Itoobiya, si ay weerarro uga fuliyaan xarumaha rayidka iyo goobaha muhiimka u ah adeegyada bulshada, gaar ahaan xarumaha korontada, shidaalka, isbitaallada iyo xaafadaha la deggan yahay.

Warbixin uu soo saaray Golaha Ku-meelgaarka ah ee Madaxbannaanida Suudaan ayaa lagu sheegay in intii u dhexeysay 15-kii Febraayo iyo 27-kii Oktoobar 2026 la diiwaangeliyey 70 weerar oo loo adeegsaday 187 diyaaradood oo is-miidaamin ah, kuwaas oo la sheegay inay ka soo duuleen gudaha Itoobiya.

Dowladda Suudaan waxay sheegtay in weerarradaasi ay sababeen dhimashada ama dhaawaca 484 qof oo rayid ah, halka sidoo kale ay ku dhinteen 176 askari oo ka tirsan ciidamada Suudaan, 200 kalena ay ku dhaawacmeen.

Warbixinta ayaa tilmaantay in goobaha la tuhunsan yahay in laga soo abaabulay weerarrada ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha Asosa, saldhigga ciidamada ee Bahir Dar iyo aagga xuduudda Kurmuk-Gizen ee Itoobiya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa sheegtay in adeegsiga dhulka dal kale loogu qaadayo weerarro ka dhan ah dalkeeda uu yahay fal colaadeed oo ka hor imaanaya shuruucda caalamiga ah, iyadoo beesha caalamka ugu baaqday inay arrintan wax ka qabato.

Dhanka kale, dowladda Itoobiya ayaa horey u beenisay eedeymaha la xiriira taageerada RSF, waxayna iyaduna Suudaan ku eedeysay inay taageerto kooxo fallaago ah oo xiriir la leh Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray, taas oo dowladda Suudaan ay iska fogeysay.

Xiisaddan diblomaasiyadeed ayaa kusoo beegmeysa xilli dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda Suudaan iyo RSF, oo billowday Abriil 2023, uu weli socdo, iyadoo labada dhinacba ay sii kordhiyeen adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments