Iiraan oo Oggolaatay in Heshiis laga Gaaro Kaydkeeda Yuraaniyamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Iiraan, Cabbaas Caraaqji, ayaa sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay inay wadaxaajood ka gasho sidii xal heshiis ah looga gaari lahaa kaydka yuraaniyamta ay gaarsiisay heerka 60% ee kobcinta, hase yeeshee wuxuu si cad u sheegay in aan la aqbali doonin in walxahaasi laga saaro gudaha dalka Iiraan.

Iiraan oo Oggolaatay in Heshiis laga Gaaro Kaydkeeda Yuraaniyamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Iiraan, Cabbaas Caraaqji, ayaa sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay inay wadaxaajood ka gasho sidii xal heshiis ah looga gaari lahaa kaydka yuraaniyamta ay gaarsiisay heerka 60% ee kobcinta, hase yeeshee wuxuu si cad u sheegay in aan la aqbali doonin in walxahaasi laga saaro gudaha dalka Iiraan.

Caraaqji ayaa wareysi uu siiyay wargeyska dowladda ee Iran ku sheegay in Tehran ay diyaar u tahay in xal caddaalad ah laga gaaro barnaamijkeeda nukliyeerka, balse ay jiraan xuduudo aan laga gudbi karin, kuwaas oo ay ugu horreyso in kaydka yuraaniyamta la kobciyay uusan dalka dibaddiisa u bixin.

Wuxuu intaas ku daray in Iiraan ay rumeysan tahay in heshiis diblomaasiyadeed laga gaari karo khilaafka kala dhexeeya Mareykanka, balse heshiis kasta uu yahay inuu ilaaliyo danaha qaranka Iiraan, isla markaana uu bixiyo dammaanad qaadaysa inaan dagaal kale dib uga qarxin gobolka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu u baahan tahay inay marka hore xaqiijiso in Mareykanku dhab ka yahay dadaallada wadaxaajoodka, isaga oo xusay in arrimahaasi ay kala hadlayaan dalalka dhex-dhexaadinaya labada dhinac.

Wada-xaajoodyada Iiraan iyo Mareykanka ayaa waxaa hadda fududeynaya dalalka Qatar iyo Pakistan, kuwaas oo Tehran ay sheegtay inay yihiin labada marin ee ugu muhiimsan ee farriimaha iyo soo-jeedimaha diblomaasiyadeed la isku dhaafsado.

Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa walaac ka qaba in kaydka yuraaniyamta aadka loo kobciyay uu Tehran u adeegsan karto horumarinta hubka nukliyeerka, halka Iiraanna ay ku adkeysanayso inay xaq u leedahay barnaamij nukliyeer oo nabadeed.

Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ayaa hore u sheegtay in Iiraan ay lahayd 440.9 kiiloogaraam oo yuraaniyam ah oo la gaarsiiyay heerka 60% ka hor weerarradii Mareykanka iyo Israa’iil ee xarumaha nukliyeerka Iiraan bishii Juun 2025.

Hadalkan cusub ee Caraaqji ayaa muujinaya in Iiraan ay albaabka u furan tahay wada-xaajood diblomaasiyadeed, balse aysan diyaar u ahayn inay tanaasul ka sameyso qodobka ay u aragto mid ka mid ah danaha aasaasiga ah ee qarankeeda.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments