Xudayda oo Wajahaysa Duqaymo Xooggan, Sacuudiga oo Digniin Soo Saaray

Dowladda Sacuudiga ayaa dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Xudayda ee galbeedka Yemen ugu baaqday inay isaga baxaan magaalada, iyadoo laga cabsi qabo in halkaasi laga fuliyo duqaymo milatari…

Xudayda oo Wajahaysa Duqaymo Xooggan, Sacuudiga oo Digniin Soo Saaray
None

Dowladda Sacuudiga ayaa dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Xudayda ee galbeedka Yemen ugu baaqday inay isaga baxaan magaalada, iyadoo laga cabsi qabo in halkaasi laga fuliyo duqaymo milatari oo xooggan oo lagu beegsanayo fariisimaha kooxda Xuutiyiinta.

Xudayda ayaa ah magaalo xeebeed muhiimad istaraatiiji ah u leh kooxda Xuutiyiinta, maadaama ay ku taallo xeebta Badda Cas, isla markaana ay tahay xarunta ugu weyn ee ay dhinaca badda ka maamulaan.

Magaaladan ayaa sidoo kale leh deked muhiim ah oo la sheegay in loo adeegsado marin ay sahay iyo hub ku soo gaaraan Xuutiyiinta, iyadoo Iran lagu eedeeyo inay kooxdaasi hub siiso.

Baaqan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in magaalada Xudayda ay wajahdo duqaymo culus, kuwaas oo halis gelin kara nolosha dadka rayidka ah iyo kaabayaasha muhiimka ah ee magaalada.

Haddii duqaymahaasi dhacaan, waxaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeeshaan xaaladda amni iyo tan bani’aadannimo ee Yemen, oo muddo dheer ay ka jireen dagaallo iyo colaado hubeysan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments