Qaramada Midoobay ayaa xoojisay dadaalladeeda diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa dalalka Itoobiya iyo Suudaan, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafka labada dowladood uu horseedo iska horimaad ballaaran oo saameeya amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Ku-xigeenka afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Farhan Haq, ayaa sheegay in hay’addu ay si dhow ula socoto xaaladda labada dal, isla markaana ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo looga hortagayo in xiisadda taagan ay sii xumaato, una gudubto marxalad ka khatar badan tan hadda jirta.
Dadaallada Qaramada Midoobay waxaa qeyb ka ah Pekka Haavisto, oo ah ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan arrimaha Suudaan, kaas oo kulammo diblomaasiyadeed ka yeeshay xaaladda gobolka, isagoo booqashooyin ku tagay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya iyo magaalada Abu Dhabi ee Imaaraadka Carabta.
Magaalada Addis Ababa ayuu kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa dadaallada xabbad-joojinta iyo helitaanka xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro dagaalka Suudaan.
Xiisadda Itoobiya iyo Suudaan ayaa sii xoogeysatay kadib markii dowladda Suudaan ay Itoobiya ku eedeysay inay taageero siinayso xoogagga RSF ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda Suudaan, isla markaana ay u oggolaanayso inay dhulkeeda ka sameystaan saldhigyo iyo goobo ay ka abaabulaan weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Dowladda Suudaan ayaa arrintan gaarsiisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, iyadoo ku eedeysay Addis Ababa inay qeyb ka tahay taageerada militari ee xoogagga RSF. Itoobiya ayaa dhankeeda beenisay eedeymahaas.
Dhanka kale, dowladda Itoobiya ayaa iyaduna Suudaan ku eedeysay inay taageero siiso kooxaha hubeysan ee ka dagaallamaya gudaha Itoobiya, gaar ahaan xoogagga Tigrayga, kuwaas oo dagaallo cusub ay dib uga soo cusboonaadeen waqooyiga dalkaas. Suudaan ayaa iska fogeysay eedeymaha la xiriira taageerada kooxahaasi.
Khilaafka labada dal ayaa sidoo kale gaaray heer ay xireen qunsuliyado ku kala yaalla dhulkooda, diblomaasiyiinna la amray inay dalka ka baxaan. Itoobiya ayaa lix shaqaale oo ka tirsanaa qunsuliyadda Suudaan ee magaalada Asosa ku amartay inay dalka uga baxaan muddo 48 saacadood gudahood ah, halka Suudaan ay tallaabooyin jawaab ah ka qaaday qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Gedaref.
Qaramada Midoobay ayaa hadda isku dayaysa inay ka hortagto in is-eedeymaha iyo tallaabooyinka diblomaasiyadeed ay isu beddelaan iska horimaad militari oo labada dal dhex mara.
From the comments