Suudaan oo ciidamo Xooggan Geysay Xuduudka ay la Wadaagto Itoobiya

Ciidanka milatariga Suudaan ayaa gobolka Niilka Buluugga ah (Blue Nile), oo ku yaalla koonfur-bari dalkaasi, isla markaana xuduud la leh Itoobiya, geeyay shan cutub oo cusub oo si buuxda u qalabeysan, xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga ka soo horjeeda.

Suudaan oo ciidamo Xooggan Geysay Xuduudka ay la Wadaagto Itoobiya

Ciidanka milatariga Suudaan ayaa gobolka Niilka Buluugga ah (Blue Nile), oo ku yaalla koonfur-bari dalkaasi, isla markaana xuduud la leh Itoobiya, geeyay shan cutub oo cusub oo si buuxda u qalabeysan, xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga ka soo horjeeda.

Taliska Qaybta Afraad ee Ciidanka Lugta Suudaan ayaa sheegay in cutubyadan guurguura loo diray xarunta taliska, si kor loogu qaado heeganka iyo awoodda dagaal ee ciidamada, loona xoojiyo howlgallada ka socda gobolka.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay wajihi doonaan xoogagga RSF iyo dagaalyahanno la safan garabka SPLM-N ee uu hoggaamiyo Joseph Tuka, ayadoo tallaabadani ay ku soo beegmaysa xilli gobolka Niilka Buluugga ah uu bilihii la soo dhaafay noqday goob ay ka dhacayaan dagaallo culus, kuwaas oo u dhexeeya ciidanka dowladda Suudaan iyo isbahaysiga RSF iyo SPLM-N.

Xoogagga isbahaysiga ayaa horumar ka sameeyay deegaanno istaraatiiji ah, oo ay ku jiraan magaalada xuduudka ku taalla ee Kurmuk iyo deegaanka Geissan, kuwaas oo muhiimad militari iyo juqraafiyeed u leh gobolka.

Gacan-ku-haynta goobaha muhiimka ah ayaa marar kala duwan isbeddeshay, iyadoo labada dhinac ay qaadeen weerarro iyo weerarro rogaal-celis ah oo lagu doonayo in lagu xoojiyo ama dib loogu qabsado fariisimaha milatari.

Isbeddelka dagaalka ayaa sidoo kale sababay in ciidanka Suudaan uu dib u habeeyo hoggaanka milatariga ee gobolka, waxaana wararka laga helayo dalkaasi ay sheegayaan in Janaraal lagu magacaabo Abdel Moniem Abdel Basit uu la wareegay taliska Qaybta Afraad ee Ciidanka Lugta, halka Janaraal Maxamed Cismaan Xamad loo magacaabay hoggaanka ciidamada ee gobolka Niilka Buluugga ah.

Dhanka kale, dagaallada sii xoogeysanaya ayaa saameyn ku yeeshay dadka rayidka ah, waxaana sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gargaarka ee gobolka, ku dhowaad 7,000 oo qoys ayaa toddobaad gudihiis ka barakacay deegaannada Bau iyo Kurmuk, halka qoysas kale ay ku xayirmeen dhulka kaymaha ah iyagoo ka cararaya dagaallada.

Gobolka Niilka Buluugga ah ayaa leh muhiimad istaraatiiji ah, maadaama uu xuduud la wadaago Itoobiya, isla markaana uu ku yaallo marin muhiim u ah dhaq-dhaqaaqa ciidamada iyo saadka milatari.

Dowladda Suudaan ayaa Itoobiya ku eedeysay inay taageerto xoogagga RSF, isla markaana ay u oggolaatay in dhulkeeda laga fuliyo dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah Suudaan. Itoobiya ayaa dhankeeda beenisay eedeymahaasi, iyadoo aan la helin xaqiijin madax-bannaan oo caddeyneysa sheegashooyinka labada dhinac.

Dagaalka Suudaan ayaa billowday bishii Abriil 2023, kaddib markii uu khilaaf hubeysan dhexmaray ciidanka milatariga ee uu hoggaamiyo dowladda iyo xoogagga RSF.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments