Xiisadda amni ee u dhexeysa Sacuudiga iyo kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sii kordheysa, kaddib markii isbahaysiga milateri ee uu hoggaamiyo Sacuudigu uu shaaciyay inuu hawada ku burburiyay laba gantaal iyo laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo la sheegay in lagu weeraray caasimadda Riyaad iyo qaybo kale oo dalkaas ka tirsan.
Afhayeenka isbahaysiga, Turki Al-Maliki, ayaa sheegay in nidaamka difaaca cirka ee Sacuudiga uu Axaddii qabtay laba gantaal oo ballistic ah oo ku wajahnaa magaalada Riyaad, wuxuuna sidoo kale xaqiijiyay in maalin ka hor la burburiyay laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo laga shakiyay inay Xuutiyiintu soo direen.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo aaneynayo Xuutiyiinta ay tan iyo 23-kii Sebtembar dileen ugu yaraan 26 qof.
Weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli Xuutiyiintu ay sii kordhiyeen bartilmaameedsiga xarumaha muhiimka ah ee Sacuudiga, oo ay ku jiraan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Khaalid, dhuumaha shidaalka iyo kaabayaasha saliidda ee dalka.
Dhanka kale, dagaallada gudaha Yemen ayaa si weyn uga socda gobollada Marib iyo Al-Jawf, halkaas oo ciidamada dowladda Yemen ee taageerada ka hela Sacuudiga ay dagaallo culus kula jiraan Xuutiyiinta.
Afhayeenka ciidamada dowladda Yemen, Korneyl Majid Al-Nuzaili, ayaa sheegay in ciidamadu ay horumar ka sameeyeen dagaallada ka socda degmooyinka Al-Xazm iyo Madghal ee gobolka Al-Jawf.
Wuxuu intaas ku daray in howlgallo milateri oo ay taageerayaan Sacuudigu lagu dilay ama lagu dhaawacay 321 xubnood oo ka tirsan Xuutiyiinta, halka sidoo kale lagu burburiyay 117 gaari oo milateri.
Dhanka kale Afhayeenka milateri ee Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa sheegay in isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo uu 24-kii saac ee la soo dhaafay fuliyay 72 duqeyn oo cirka ah oo ka dhacay dhowr gobol oo Yemen ah.
From the comments