Hay’adda Duulista Federaalka Mareykanka ee FAA ayaa Jimcihii soo rogtay amar dalka oo dhan lagu hakiyey duullimaadyada ka kacaya garoomada Mareykanka, kaddib cilad isgaarsiineed oo saameysay xarumaha kala hagidda diyaaradaha.
Ciladdu waxay saameysay 22-ka xarumood ee goboleed ee hagaya diyaaradaha isaga kala goosha garoomada Mareykanka, ayadoo FAA ay tallaabada ku tilmaantay mid taxaddar ah oo lagu ilaalinayo badbaadada, iyadoo hakadku bilowday wax yar ka hor 4:00 galabnimo waqtiga bariga Mareykanka.
Amarku ma uusan joojin diyaaradaha horay hawada ugu jiray, balse duullimaadyadaas waxaa loo oggolaaday inay sii wataan safarradooda oo ay si nabad ah u degaan, halka duullimaadyada caalamiga ah loo maareynayey mid mid, waxaana FAA ay sheegtay in dhammaan diyaaradaha hawada ku jiray la ogaa halka ay marayeen.
Shirkadaha United Airlines iyo American Airlines ayaa rakaabka uga digay dib-u-dhacyo iyo baajinta duullimaadyada, xilli qaar ka mid ah rakaabka laga dejiyey diyaarado horay uga baxay albaabada garoomada, halka kuwo kalena ay saacado ku sugnaayeen gudaha diyaaradaha iyo xarumaha rakaabka.
Wasiirka Gaadiidka Mareykanka Sean Duffy ayaa sheegay in cilad isgaarsiineed ay saameysay xarumaha kala hagidda diyaaradaha, isla markaana farsamayaqaannada FAA ay baarayaan sababta keentay. Hay’addu weli ma shaacin qalabka ama nidaamka gaarka ah ee fashilmay.
Xoghayaha Amniga Gudaha Markwayne Mullin ayaa dhankiisa sheegay inaan ilaa hadda la helin wax muujinaya weerar argagixiso ama fal ula kac ah, wuxuuna dhacdada ku tilmaamay cilad dhinaca isgaarsiinta ah, balse wuxuu xusay in baaritaanka sababta asalka ahi weli socdo.
Mas’uuliyiintu sidoo kale ma xaqiijin in ciladdan ay xiriir la leedahay hakadkii weynaa ee adeegyada Microsoft, ayadoo Microsoft ay sheegtay inaysan hayn wax tilmaamaya in labadan dhacdo isku xiran yihiin, halka nidaamka cusub ee FAA ee SMART-na aan loo arkin inuu sababay hakadka.
Badbaadada Diyaaradaha Hawada Ku Jira
Inkastoo isgaarsiinta xarumaha hagiddu ay dhibaato la kulantay, taasi macnaheedu ma ahayn in dhammaan munaaradaha hagidda iyo duuliyeyaashu gebi ahaanba xiriirka waayeen.
Khubarada duulista ayaa dhacdadan la xariiriyey walaac muddo dheer laga qabay duugowga qaybo ka mid ah kaabayaasha isgaarsiinta iyo kala hagidda hawada Mareykanka, balse weli lama xaqiijin in qalab laga soo bilaabo 1940-meeyadii ama 1950-meeyadii uu si toos ah u sababay ciladdan gaarka ah.
Mareykanka ayaa muddo sannado ah waday qorshe lagu casriyeynayo xarumaha hagidda, khadadka isgaarsiinta iyo nidaamyada xogta, waxaana dhacdadani ay mar kale muujisay sida cilad ku timaadda hal adeeg oo muhiim ahi u saameyn karto isku-socodka diyaaradaha dalka oo dhan.
From the comments