Adeegyada Shirkadda Microsoft oo Ku Dhowaad 19 Saacadood Hawada Ka maqan

WASHINGTON (Goobjoog News) — Cilad ballaaran oo ku timid kaabayaasha shirkadda Microsoft ayaa saameysay Outlook, Teams, Copilot iyo qaybo ka mid ah Microsoft 365, iyadoo kumannaan qof, shirkado iyo hay’ado…

Adeegyada Shirkadda Microsoft oo Ku Dhowaad 19 Saacadood Hawada Ka maqan

WASHINGTON (Goobjoog News) — Cilad ballaaran oo ku timid kaabayaasha shirkadda Microsoft ayaa saameysay Outlook, Teams, Copilot iyo qaybo ka mid ah Microsoft 365, iyadoo kumannaan qof, shirkado iyo hay’ado dowladeed oo ku kala sugan dunida ay waayeen ama ay ku adkaatay adeegsiga adeegyadaas.

Saameynta ciladdu waxay socotay ku dhowaad 19 saacadood marka lagu daro marxaladihii kala duwanaa ee hakadka iyo soo-kabashada tartiib-tartiibta ah.

Microsoft waxay sheegtay in adeegyada aanay isku mar wada go’in, balse isticmaalayaashu ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin gelitaanka akoonnada, dirista iyo helista iimayllada iyo isticmaalka qaar ka mid ah howlaha Teams iyo Copilot.

Microsoft ayaa ciladda ku xiriirisay tiro ka mid ah server-radeeda oo si lama filaan ah shaqada uga baxay, taas oo culays dheeraad ah saartay kaabayaashii kale ee shaqeynayey. Shirkaddu waxay sheegtay inaysan hayn wax caddeyn ah oo muujinaysa in hakadku ka dhashay weerar dhanka internet-ka ah.

Warbixinnada Downdetector ayaa muujiyey in cabashooyinka la xiriira Outlook ay xilligii ugu sarreeyey dhaafeen 130,000 gudaha Mareykanka. Hakadku wuxuu sidoo kale saameeyey isku-xirayaasha Microsoft 365 ee ay adeegsadaan shirkadaha sirdoonka macmalka ah ee OpenAI iyo Anthropic.

Hay’ado dowladeed oo ku yaalla Mareykanka, Australia iyo Japan, shirkado diyaaradeed, kuwo maaliyadeed iyo ganacsiyo kale ayaa laga soo sheegay dhibaatooyin isgaarsiineed.

Qaar ka mid ah shirkadaha ayaa dib u dhigay warbixinnadooda maaliyadeed, halka shirkad maaliyadeed oo Taiwan ku taalla ay adeegsatay fakis si ay u xaqiijiso macaamil ganacsi.

Microsoft waxay dib u hawlgelisay server-radii ciladdu saameysay, iyadoo qeyb ka mid ah xogta iyo isticmaalayaashana loo wareejiyey marinnada kale. Shirkaddu waxay sheegtay in soo-kabashadu ahayd mid tartiib ah, maadaama qalabka isticmaalayaashu uu mar kale ku xirnaa nidaamyada dib loo hawlgeliyey.

Dhacdadan ayaa dib u soo celisay walaaca laga qabo ku-tiirsanaanta shirkad keliya oo bixisa adeegyada iimaylka, shirarka, kaydinta xogta iyo sirdoonka macmalka ah. Waa hakadkii labaad ee waaweyn ee ku yimaada Microsoft 365 sannadkan, waxaana soo noqnoqoshada cilladahaasi ay shirkadaha ku riixi kartaa inay sameystaan nidaamyo kale oo gurmad ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments