Siyaasigii hore ee dalka Ciraaq, Axmed Al-Calwaani (Ahmed al-Alwani), ayaa meydkiisa laga helay guri dabaq ah oo ku yaalla xaafadda Tariq Al-Jdiide ee magaalada Beirut, caasimadda dalka Lubnaan, iyadoo maamulka Lubnaan uu bilaabay baaritaan ku saabsan dilkiisa oo loo maleynayo inuu ahaa mid qorsheysan.
Meydka siyaasigan ayaa la helay fiidnimadii Talaadada, iyadoo baaritaannadii hordhaca ahaa ay muujinayaan in la ceejiyey, ayadoo ilo dhinaca garsoorka Lubnaan ah oo la hadlay wakaaladda wararka AFP ayaa sheegay in la xiray muwaadin u dhashay Lubnaan oo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilka, halka ciidamada ammaanku ay baadi-goobayaan laba qof oo kale oo u dhashay Suuriya oo la tuhunsan yahay inay qeyb ka ahaayeen falka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dadka looga shakisan yahay ay Al-Calwaani ka soo qaadeen garoonka diyaaradaha markii uu toddobaadkii hore yimid magaalada Beirut, iyagoo geeyay hoteel uu deganaa.
Xafiiska siyaasigan ayaa geeridiisa ku tilmaamay dil qorsheysan oo lagu fuliyay fal khiyaano ah, wuxuuna dalbaday in baaritaan hufan lagu ogaado cidda ka dambeysay, cidda fulisay iyo cid kasta oo kale oo ku lug lahayd.
Dhanka kale, xeer-ilaaliyaha guud ee Lubnaan, garsoore Axmed Raami Al-Xaaj, ayaa si gaar ah ula wareegay kormeerka baaritaanka, kaas oo ay waddaan laanta xog-ururinta ee ciidamada amniga gudaha dalkaasi.
Axmed Al-Calwaani wuxuu ahaa siyaasi Sunni ah oo horay gobolka Anbaar ugu matalay baarlamaanka Ciraaq, wuxuuna caan ka noqday siyaasadda dalkaasi intii lagu jiray bannaanbaxyadii 2012 iyo 2013-kii ee looga soo horjeeday dowladdii uu hoggaaminayay ra’iisul wasaarihii xilligaas Nuur Al-Maaliki.
Dibadbaxayaasha ayaa dowladda ku eedeynayay inay wadday siyaasad kooxeed oo bulshada Sunnida ah ku takooraysay, isla markaana ay ka fogeysay saameynta siyaasadeed ee dalka.
Al-Calwaani wuxuu sidoo kale ahaa dhaliile xooggan oo ka soo horjeeday saameynta dowladda Iran ku leedahay Ciraaq iyo kooxaha hubeysan ee Shiicada ah ee taageerada ka hela Tehran.
Bishii Diseembar 2013-kii ayaa la xiray intii uu socday howlgal ay ciidamada ammaanka Ciraaq ka sameeyeen gurigiisa magaalada Ramadi, halkaas oo lagu dilay walaalkiis iyo dhowr qof oo kale.
Sannadkii 2014-kii ayaa lagu xukumay dil kadib markii lagu soo oogay dacwado la xiriiray argagixiso, hase yeeshee bishii Abriil 2025-kii ayuu xabsiga ka baxay, kaddib markii laga faa’iideystay sharciga cafiska guud ee Ciraaq, isagoo xabsiga ku qaatay in ka badan toban sano.
Dhinaca kale, safiirka Ciraaq u fadhiya Lubnaan, Maxamed Rida Al-Xuseyni, ayaa xaqiijiyay in safaaradda dalkiisu ay si dhow ula socoto kiiska, isla markaana ay sugayso warbixinta kama dambaysta ah ee hay’adaha ammaanka Lubnaan si loo ogaado duruufaha ku xeeran dilka siyaasigan.
From the comments