Warshad biraha soo saarta oo ku taalla magaalada Aliaga ee gobolka Izmir ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay qarax xooggan oo sababay dhimashada ugu yaraan 17 qof, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay shil ka dhacay qeybta foornada lagu dhalaaliyo biraha, kaddib markii uu go’ay xarigga wiish weyn oo siday bir aad u kulul, taasoo keentay in qiyaastii 120 tan oo bir dareere ah ay ku dul daadato foornada.
Mid ka mid ah shaqaalaha warshadda oo lagu magacaabo Yasin Cetiner, kana hadlay dhacdada, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in birta kulul ay la kulantay biyaha loo adeegsado qaboojinta qeybaha foornada, taasoo dhalisay falgal sababay qarax xooggan.




From the comments