Goobjoog

Ugu Ugu Yaraan 7 Qof oo ku Geeriyooday Shil Tareen oo ka Dhacay Masar

Dalka Masar waxaa ka dhacay shil tareen oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii laba tareen oo rakaab ah ay isku dhaceen xilli ay ku jireen safarro kala duwan.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalka Masar, tareen ka soo baxay magaalada Giza kuna sii jeeday magaalada Fayoum ayaa gadaal ka jiiray tareen kale oo ka soo ambabaxay caasimadda Qaahira, kaas oo ku sii jeeday magaalada Aswan ee koonfurta dalkaasi.

Shilka ayaa ka dhacay deegaanka Al-Cayyaat ee gobolka jiiza, waxaana saameyn xooggan uu ku yeeshay gaadiidkii tareennada, iyadoo qaar ka mid ah ay ka baxeen birihii ay ku socdeen.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay, iyaga oo bilaabay howlgallo lagu samatabbixinayo rakaabkii ku waxyeelloobay isku dhaca, halka dadka dhaawacmay loo qaaday xarumaha caafimaadka ee ku dhow deegaanka.

Dhanka kale, hay’adaha dowladda Masar ayaa bilaabay baaritaanno lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay shilka, iyadoo la eegayo xaaladda farsamo ee tareennada iyo nidaamka hagista isku socodka gaadiidka.

Shilkan ayaa mar kale dhaliyay su’aalo la xiriira badbaadada iyo tayada adeegyada tareennada Masar, oo horey u soo wajahday shilal kala duwan oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments