Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay bixinayso abaalmarin gaareysa 20 milyan oo dollar, taas oo la siinayo cid kasta oo keenta xog muhiim ah oo la xiriirta barnaamijka Nukliyeerka ee dalka Iiraan, gaar ahaan xarumaha, qalabka iyo shaqsiyaadka ku lugta leh horumarinta barnaamijkaasi.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe (CENTCOM) ayaa sheegay in abaalmarintan lagu bixinayo barnaamijka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee loo yaqaan Rewards for Justice, kaas oo dhiirrigeliya helitaanka xogta la xiriirta arrimaha amniga qaranka Mareykanka.
Sida lagu sheegay bayaanka Mareykanka, xogta la raadinayo waxaa ka mid ah goobaha lagu sameeyo hawlaha Nukliyeerka, qalabka loo adeegsado, saynisyahannada, shaqaalaha iyo dadka kale ee xiriirka la leh barnaamijka Nukliyeerka Iiraan, iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqooda.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in dadka keena xogta muhiimka ah ay heli karaan fursad dib-u-dejin iyo in laga caawiyo inay u guuraan meel kale, marka laga soo tago lacagta abaalmarinta oo gaareysa ilaa 20 milyan oo dollar.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa tallaabadan ku sababeysay walaac ay ka qabto heerka iskaashiga Iiraan iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA), iyadoo sheegtay in arrimo la xiriira waajibaadka kormeerka ay adkeeyeen la socodka wax-soo-saarka iyo kaydka qalabka muhiimka ah ee Nukliyeerka, sida mashiinnada kobciya Yuraaniyamka.
Dhanka kale, tallaabadan ayaa imaneysa xilli Madaxweyne Donald Trump uu marar badan sheegay in duqeymihii milatari ee Mareykanka lagu bartilmaameedsaday xarumaha Nukliyeerka Iiraan ay si weyn u burburiyeen awoodda Nukliyeerka ee dalkaasi.
From the comments