Goobjoog

Trump oo Sheegay in Mareykanku Weerarro Kooban ka Fulinayo Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dalkiisu ay weerarro xaddidan ka fulinayaan gudaha Iiraan, isaga oo sheegay in howlgalka milatari uu ku socdo qorshihii loo dejiyey, isla markaana Washington ay gaartay ujeeddooyin muhiim ah oo ay ka lahayd duqeymaha.

Trump ayaa hadalkiisa ku sheegay in Mareykanku uu Iiraan saaray xannibaad uu ku tilmaamay tii ugu weyneyd ee taariikhda milatariga, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay cadaadiska lagu hayo dowladda Tehran.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hoggaanka Iiraan uu doonayo inuu heshiis la gaaro Mareykanka, taas oo muujinaysa in Washington ay weli rumaysan tahay suurtagalnimada in khilaafka labada dal lagu xalliyo wadahadal.

Hadallada Trump ayaa imanaya xilli xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ay weli taagan tahay, iyadoo indhaha caalamku ay ku jeedaan xaaladda amni ee Bariga Dhexe iyo saameynta ay colaaddani ku yeelan karto xasilloonida gobolka iyo ganacsiga caalamiga ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments