Goobjoog

Iiraan oo Sheegtay inay Weerartay Xarun Raadaar oo Mareykanku ku leeyahay Baxreyn

Iiraan ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay xarun raadaar oo Mareykanku ku leeyahay dalka Baxreyn, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay jawaab-celin ka dhan ah weerar ay sheegtay in lagu qaaday xarun isgaarsiineed oo ku taalla koonfurta dalka Iiraan.

Iiraan oo Sheegtay inay Weerartay Xarun Raadaar oo Mareykanku ku leeyahay Baxreyn

Iiraan ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay xarun raadaar oo Mareykanku ku leeyahay dalka Baxreyn, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay jawaab-celin ka dhan ah weerar ay sheegtay in lagu qaaday xarun isgaarsiineed oo ku taalla koonfurta dalka Iiraan.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa sheegay in ciidamadooda cirka ay weerar ku qaadeen xarun raadaar oo Mareykanku ku leeyahay Baxreyn, isla markaana ay burburiyeen xaruntaasi.

War-saxaafadeed ay baahisay wakaaladda wararka Tasnim ee xiriirka la leh dowladda Iiraan ayaa lagu sheegay in weerarku ahaa digniin culus oo loo diray Mareykanka, si uu u joojiyo waxa Iiraan ku tilmaantay duqeymo iyo xadgudubyo isdaba joog ah.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii wakaaladda wararka rasmiga ah ee IRNA ay sheegtay in magaalada dekedda leh ee Sirik, oo ka tirsan gobolka Hormozgan ee koonfurta Iiraan, uu Khamiistii haleelay weerar ay ku tilmaantay mid cadowgu fuliyay.

Dhanka kale, ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa ka digay in haddii ay sii socdaan weerarrada iyo waxa ay ugu yeereen xadgudubyada ka dhanka ah dalkooda, ay diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabooyin milatari oo aan xad lahayn.

Dalka Baxreyn ayaa ah goob istaraatiiji ah oo uu Mareykanku ku leeyahay saldhigyo milatari oo muhiim ah, waxaana halkaasi ku yaalla xarunta taliska Guutada Shanaad ee Ciidanka Badda Mareykanka, taas oo isku dubbaridda howlgallada ciidamada badda ee Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Xaruntaas ayaa sidoo kale horey u wajahday weerarro intii uu socday dagaalka billowday 28-kii Febraayo, iyadoo sawirro dayax-gacmeed oo ay falanqeysay Al Jazeera ay muujiyeen waxyeello soo gaartay qaybo ka mid ah saldhigga, gaar ahaan xarumaha raadaarrada iyo dhismayaal kale.

Ilaa hadda, Mareykanka iyo dowladda Baxreyn kama aysan soo saarin wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan sheegashada cusub ee Iiraan ee ah in la burburiyay xarunta raadaarka.

Dhanka kale, xiisadda u dhexeysa Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil ayaa sii xoogeysanaysa, iyadoo warbaahinta Israa’iil ay baahisay in golaha amniga ee maamulkaasi uu ciidamadiisa faray inay kordhiyaan diyaar-garowga suuragalnimada weerar cusub oo ka dhan ah Iiraan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments