Mareykanka oo Dalbaday 50 Bilyan oo Dollar si Dib loogu Casriyeeyo Nidaamka Hagista Diyaaradaha

Xoghayaha Gaadiidka Mareykanka, Sean Duffy, ayaa ugu baaqay Kongareeska dalkaasi inuu ansixiyo dhaqaale degdeg ah oo gaaraya 50 bilyan oo dollar, kaas oo lagu casriyeynayo nidaamka hagista iyo maamulka duulimaadyada hawada Mareykanka.

Mareykanka oo Dalbaday 50 Bilyan oo Dollar si Dib loogu Casriyeeyo Nidaamka Hagista Diyaaradaha
WASHINGTON ?? Sean Duffy speaks at a White House press briefing after a Black Hawk helicopter collided with American Airlines flight 5342 by DCA airport on Jan. 30, 2025. The newly-confirmed Secretary of Transportation, dons a jacket patched with the Federal Aviation Administration?s logo and embroidered text reading ?accident investigations.? ?We will not accept passing the buck,? Duffy says. ?We?re gonna take responsibility at the Department of Transportation and the FAA to make sure we have the reforms that have been dictated by Trump in place to make sure that these mistakes do not happen again.? (Newscom TagID: sipaphotostwentyone775251.jpg) [Photo via Newscom]

Xoghayaha Gaadiidka Mareykanka, Sean Duffy, ayaa ugu baaqay Kongareeska dalkaasi inuu ansixiyo dhaqaale degdeg ah oo gaaraya 50 bilyan oo dollar, kaas oo lagu casriyeynayo nidaamka hagista iyo maamulka duulimaadyada hawada Mareykanka.

Baaqan ayaa yimid kaddib markii cilad farsamo oo ku timid qalabka lagu maamulo isu-socodka diyaaradaha ay sababtay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyo dhammaan duulimaadyada hawada dalka, taas oo saameysay shaqadii garoomada diyaaradaha.

Sean Duffy oo ka hadlayay xaaladda ayaa sheegay in arrintu tahay xaalad degdeg ah, isaga oo Kongareeska ka codsaday inuu bixiyo maalgelin gaaraysa 50 bilyan oo dollar si dib-u-habeyn ballaaran loogu sameeyo qalabka duugoobay ee lagu hago diyaaradaha.

” Tani waa xaalad degdeg ah. Waxaan doonayaa in Kongareesku noo ansixiyo maalgelin degdeg ah, waxaan rabaa 50 bilyan oo dollar,” ayuu yiri xoghayaha Gaadiidka Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa wajahaysa caqabad la xiriirta gabowga qalabka iyo nidaamyada loo adeegsado hagista diyaaradaha, kuwaas oo muhiim u ah isku-duwidda duulimaadyada, badqabka rakaabka iyo ka hortagga isku dhaca diyaaradaha.

Wararka ayaa sheegaya in hawada Mareykanka dib loo furay kaddib hakadkii ku yimid duulimaadyada, hase yeeshee dib u bilaabashada safarrada diyaaradaha ay u socon doonto si tartiib tartiib ah, maadaama ay shirkadaha duulimaadyadu u baahan yihiin inay dib u habeeyaan jadwalladooda.

Codsiga 50-ka bilyan ee dollar ayaa hadda indhaha lagu hayaa Kongareeska Mareykanka, iyadoo maalgelintaasi haddii la ansixiyo loogu talagalay in lagu beddelo laguna casriyeeyo nidaamyada duugoobay ee hagista hawada.

Arrintan ayaa mar kale soo bandhigtay muhiimadda ay leedahay in la casriyeeyo kaabayaasha farsamo ee duulista, maadaama cilad ku timaadda nidaamyada hagista hawadu ay saameyn ballaaran ku yeelan karto isu-socodka diyaaradaha iyo malaayiin rakaab ah.

Mareykanka ayaa hadda wajahaya go’aan muhiim ah oo ku saabsan maalgelinta nidaamkiisa duulista, iyadoo la sugayo tallaabada uu Kongareesku ka qaadan doono codsiga degdegga ah ee maamulka Gaadiidka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments